Couples - Lamaanaha

Halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa Jacaylka lamaanaha iyo Qoyska

Menu
  • Home
  • Nala soo xidhiidh
  • Jacayl
    • Jacayl iyo Farxad
    • Jacayl iyo Nolol
    • Jacayl iyo Guul
    • Jacayl iyo Wakhti
    • Jacayl iyo Murugo
  • Kalsooni
    • Kalsoonida Nafta
    • Kalsoonida caqiidada
    • Kalsoonida Wadanka
    • Kalsoonida Shaqada
    • Kalsoonida Lamaanaha
  • Guur
    • Qurux
    • Maal
    • Diin
    • Xulasho
    • Nasab
  • Isaga
  • Iyada
  • Nasiibka tijaabi
Kalsoonida Lamaanaha Guurso qof aad jeceshahay

Guurso qof aad jeceshahay

Guurso o qofka aad jeceshahay,
Jacaylku waa dareen madax banaan oo aanan waxbo ku tiirsanayn, caashaqu waa shuruud la’aan kuma xirna inta ay la’egtahay hantida uu qofku heysto, nasabkiisa, bilicdiisa iyo jinsiyadiisa, waa sheey dabeeluhu wataan oo qalbiyada jiira.

Walloow nuxurkii laga qaaday oo maanta ay wax kasta dadka uga sahlantahay in qof lagu yiraahdo “waan ku jeclahay” iyadoo aanan la fahamsanayn micnihiisa dhabta ah, hadane waa dareen jira oo si
guud loo wada aaminsanyahay, Cilmi Boodhari iyo Hodan ayaa tusaale wanaagsan u ah Jacaylka Soomaalida dhexdeeda.

Hadaba Qof Waliba waxa uu Jecel yahay in Noloshiisa uu Farxad Bash Bash iyo Nolol Macaan ku noolaado ,balse Noloshaasi Macaan yaa heli kara ayaa Isweydiin Mudan.

Noloshaasi Macaan waxaa heli kara Qofka guursada Qofka uu Dunida ugu Jecel yahay iyana Jecel Wiil ama Gabar ciduu doono ha ahaadee ,qofkaas ayaaana k guuleesan kara in uu ka gudbo nolosha buuqa iyo Qilaafka badan ee hareeya inta badan lamaanaha aan
Jaceylka isku guursan Hadaba qofka aad jeceshahay in aad guursatid waa adigoo nolosha ka gaaray hadafkii aad ka lahayd, wuxuu qofku ku helayaa qaneeco
iyo niyad wanaag inta noloshiisa ka dhiman sahay u noqota, ogoow sida aan ugu baahanahay in aan caloosha quudino ayuu qalbiguna u baahanyahay qaneeco iyo laga haqabtiro waxa uu u
baahanyahay, illaa inta aad ka qancineysid qalbigu waa oomane
(haraadsane) una baahan in uu helo qofka uu aduunku ugu jecelyahay.

Ima aamineysid hadii aan kugu iraahdo jacaylka wuxuu ku gaarsiiyaa heer qofka aad jeceshay aad uga ba’do in aad sariirta la wadaagto marka aad is guursataan adigoo niyada iska leh waxyeelo ayaa ugu sugan, jacaylka waa loo waashaa, waa loo dhintaa, waa
loo cuqdadoodaa waana loo xanuunsadaa, laakiin dad yar ayuu
heerkaasi gaarsiiyaa jacaylka, in baddana iyagoo bukaan socod ah ayay noloshooda iska sii wataan haddii ay waayaan qofkii ay jeclaayeen In yar oo raga ka mid ah ayaa naf hur u sameeya jacaylka, taasina waa sir banaanka taala, dumarkuna waxay ballo ku dhigeen waxbo sheegan maayaan, Ogoow jacayl aanan lagula qabin mirro dhal ma ahan guurka ka dambeeya, laakiin marka aad guursatid qofka aad jeceshahay, iyaduna ku jecel waa halbeega dhadhanka macaan ee noloshu
leedahay, ka fikir subixii waxaad guriga ka baxaysaa iyadoo illinka taagan oo kusoo eegeysa illaa aad ka miriq beesho, waxaad soo hoyanaysaa iyadoo illinka taagan oo ku bidhaamineysa kuna sugi
la’, raashiinkii ay karisey afka meeysan saarin oo adiga ayay kula sugeysaa, marka aad raashiinka cuneysid gacantaada kuuguma aamin qabto waxay rabtaa in ay teeda kugu siiso, waxay dadaal kasta u galaysaa in ay qayaasto waxa niyadaada ku jira ee aad
dooneyso ee aadan u sheegin si ay kuu farax galiso, marka aad hurdeyso mukulaasha xaafada joogta xitaa waa ogtahay kumana dhacdo in ay hurdada kaa toosiiso.

Dhuumaaleysiga guriga dhexdiisa, tartanka, orotankanka, kaftanka,
kilikileynta, maada iyo qosolka, waxaan filayaa kuwiina caloosha jilicsan in ilmuhu soo dhaafeen, ilimee mise murogoow laakiin waxaan kuu sheegayaa in guur farxad la’aan ah uu yahay geed miro la’aan ah, haddii aadan guurkaaga farxad ku heysan waad abuuri
kartaa farxada waana waxa ugu sahlan
Ma garanaysaa qof aduunka ugu bakhaylsan? waa kan gurigiisa farxada ka bakhayla marka uu banaanada marayana afka kala haya oo maantoo dhan qoslaya, farxadu sida macdanta dhulka ugu aasantahay oo ay ugu baahantahay in looga soo faago ayay ugu duugantahay quluubta bini’aadamka, gaar ahaan dumarka oo ragooda markasta u haya jacaylka dabiici ah .

Meeqa jeer ayaad shaqada kasoo dhuumatay oo aad xaafada usoo
carartay si aad xaaskaaga waqti ula wadaagto, imisa jeer ayaad soo
fasax qaadatay, imisa jeer ayaad guriga timid adiga oo gacanta dhabarka kuugu qarsantahay kadibna aad xaaskaaga kaga naxsatay ubax, faraanti mise sheey kale ood ogtahay in ay jeceshahay?, imisa jeer ayaad ku tiri “cuntadaadu aad beey u macaantahay”, imisa jeer ayaad ku tiri “aad baad u qurux badantahay”, mise ogtahay qiimaha ay waxyaalahaasi ugu fadhiyaan iyo wanaaga aad kaga kasban karto.

Haddii intaasi aan soo sheegey oo dhan aanan noloshaada lagahelin labbada dhinacba, kuma doodi kartid in aad guursatay qofkii aad jecleyd, dooda ku saabsan jacaylka ma guurka hortiisaa mise waa guurka ka dib waxaan filayaa aad ila waafaqsantihiin in jacaylka guurka ka hor uu yahay buug bogiisa kore oo kaliya la aqriyey, kan guurka kadibna uu yahay buugii oo aad guda gashay akhrintiisa.

Nolosha Macaanteeda waxaad galaysaa markaad guursato tii aad Dunida ugu jecleed rabina kuugu beero Kalgaceyl baarinomo qosol farxad adigana aad sidaas oo kale unoqoto ,Maskaxdada halmar udir hal Su'aal taas oo ah Gabadha aad jaceshahy markaad guursato iyo inanta adan garaneyn ee lagugu daro sida aad farxad ku
dareemi karto ama halka aad xaal ka bilaabi laheed habeenka aqal
galka kadibna dib u eeg jawaabta ay niyadada kusiiso labadaa qof mida nolosha kumac ? wa su'aal kuu kaligaa jawaabtana adiga isasa sii.

W/D: Gacal Xuseen Gacal Ayman Cade

Admin
Add Comment
Kalsoonida Lamaanaha
Wednesday, October 14, 2015
  • Tweet
  • Share
  • Share
  • Share
  • Share

About Nuradiiny Tahir

Asc ku soo dhawaada Qaybta lamaanaha ee Qalbi Somali. Waxaan rajaynayaa in aad ka faaiidaysatay mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontid.

Related Posts

Nuradiin Qalbi - Qoraa Dhalinyaro ah

Nuradiin Qalbi - Qoraa Dhalinyaro ah

Total Tayangan Laman

  • …

  • …

Weekly Posts

  • Laba kasta oo is qaba ku haboon
    Laba kasta oo is qaba ku haboon
  • Caano kaalay ila wadaag
    Caano kaalay ila wadaag
  • Erayo Jacayl ah | Qaybtii 2aad
    Erayo Jacayl ah | Qaybtii 2aad
    Waxaa inoo dhaxeeyo badweyn, buuro, iyo bari aad u dheer, anigu maahi dabeyl lakin hal sikin isii waxaan kuusoo dirayaa jaceylkeyga, oo a...
  • Erayo Jacayl ah | Qaybtii 1aad
    Erayo Jacayl ah | Qaybtii 1aad
    Subixii ma ubaahni inaan saacadeyda ku xirto alarm si aan u kaco, maxaa yeelay waxaad ku dhex nooshahay wadnaheyga gudihiisa waaga markuu b...
  • Naxariis | Himilo | Duco iyo Jacayl
    Naxariis | Himilo | Duco iyo Jacayl
    Jaceylka waxaa uu la micno yahey geed la beerey oo u baahan xanaaneyn iyo ilaalin joogta sida waraabinta iyo kool koolinta iyo wax yaabo b...
  • Caashaq baa hirgalay
    Caashaq baa hirgalay
    Labada qof oo isjeclaaday hadana guur iyo hooy yagleelay jacaylkoodana ka midho dhaliyay markaas caashaq baa hirgalay
  • Balan guur baa u weyn
    Balan guur baa u weyn
  • Daqiiqad kasta oo nolosheena ka mid ah
    Daqiiqad kasta oo nolosheena ka mid ah
  • Weynoow hana kala wadin | Hees Qoraal ah | Hibo Vs Bacalwaan
    Weynoow hana kala wadin | Hees Qoraal ah | Hibo Vs Bacalwaan
    Hibo Nuura; Wadnaha-iyo waxyaheeyga, kii waraabinaayey dhiigoow Waan-waanta sharaftayda, Midka iigu wacnaadee Waajibka iigu yeesho...
  • Sifaha qofka wanaagsan waxaa ugu mihiimsan qof Allah swt xidhiidh la leh
    Sifaha qofka wanaagsan waxaa ugu mihiimsan qof Allah swt xidhiidh la leh

Label

  • Daacadnimo (14)
  • Diin (10)
  • Farxad (14)
  • Ixtiraam (25)
  • Jacayl (51)
  • Jacayl iyo Guul (7)
  • Jacayl iyo Murugo (13)
  • Jacayl iyo Nolol (14)
  • Jacayl iyo Wakhti (14)
  • Jacaylka iyo Farxad (10)
  • Kalsoonida Caqiiqada (10)
  • Kalsoonida Lamaanaha (26)
  • Kalsoonida Nafta (10)
  • Kalsoonida Shaqada (7)
  • Kalsoonida Wadanka (12)
  • Maal (2)
  • Nasab (8)
  • Naxariis (14)
  • Nolol (13)
  • Qurux (26)
  • Xulasho (12)
www.lamaanaha.blogspot.com. Powered by Blogger.
Copyright © 2015 Couples - Lamaanaha All Right Reserved
Qalbi Somali