Couples - Lamaanaha

Halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa Jacaylka lamaanaha iyo Qoyska

Menu
  • Home
  • Nala soo xidhiidh
  • Jacayl
    • Jacayl iyo Farxad
    • Jacayl iyo Nolol
    • Jacayl iyo Guul
    • Jacayl iyo Wakhti
    • Jacayl iyo Murugo
  • Kalsooni
    • Kalsoonida Nafta
    • Kalsoonida caqiidada
    • Kalsoonida Wadanka
    • Kalsoonida Shaqada
    • Kalsoonida Lamaanaha
  • Guur
    • Qurux
    • Maal
    • Diin
    • Xulasho
    • Nasab
  • Isaga
  • Iyada
  • Nasiibka tijaabi
Jacayl iyo Nolol Kalsoonida Lamaanaha Qurux Waa tuma Raaliyo Dumar

Waa tuma Raaliyo Dumar

Markaad waydiiso rag badan oo guurdoon ah  gabadhii uu la wadaagi lahaa Guurka marka uu doonayo in gabadha uu rabo in uu guursado kuu sharaxo waxa uu kuugu sheegayaa sifooyinkeeda, waxan rabaa gabadh raaliyo ah! Markaad sii su’aasho raaliyo waxay tahay sharaxeeda, qaarbadani waxay ku jawaabaan raaliyo waa raaliyo, qaarbadanna way ku kala fikir duwanaadeen gabadha raaliyada ah sifadeeda. Hadaba raaliyooy yaad tahay.

1. Gabadha aan guursanayaa waa inay ahaataa mid aan hadalkayga hadal ka daba keenin. Markaan hadlayo waa inay iyadoo khushuucsan i hor timaadaa iyadoo hoos eegaysa. Xaraf kasta oo aan farana waa inay isla markiiba ku dhaqaaqdaa iyadoon hadal kasoo celin. Raaliyadaydu waa taas.


2.         Gabadha aan guursanayaa marka ay ila hadlayso waa inay hadalkeeda hoos u dhigto, maadaama oo ay naagtaydii tahayna waa inayna ila doodin, ila murmin, igu qaylinin, i karaahiyeysanin, cadhadeedana waa inayna itusin marnna. Raaliyadaydu waa taas.


3. Gabadha aan guursanayo waa inay ogaataa inaan anigu iska leeyahay inta Ilaahay ka sokaysa, sidaa darteed si kasta oo aan ka yeelo waa inay iigu dul qaadato hadal la’aan. Raaliyadaydu waa taas.


4. Maadaama oo ay diintu ii ogolaatay inaan maamulo iyada, hadaan i dhaahdo albaabka ha gaadhin waa inayna gaadhin, hadaan i dhaahdo maanta oo dhan idul taagnow waa inay samaysaa, hooyadeed oo sakaraada hadaan idhaahdo ha u tagin waa inay hadal la’aan i maqashaa. Gidaarka madaxa u sii jeedi 24/7 hadaan i dhaahdo waa inay samaysaa. Aniga Raaliyadaydu waa taas.


4. Raaliyadaydu aniga waa sidan, sida wax loo qoro waa inayna aqoon, wixii aan anigu cilmi u baro mooyaane cilmiga kale oo dhan waa inay ka dhago la’aataa, afcarabi hadaan kula hadlo waa inay moodaa inaan aayad quraana u akhrinayo, Raaliyadaydu waa taas mida jaahilada ah ee aan anigu sidaan rabo wax u baro.


5. Gabadha aan guursanayaa habeenka u horeeya waa inay i dareensiisaa inaan ahay sayidkeedii, sidaa darteed waa inay gacanteeda kusoo qaadato ushii aan ku edbin lahaa. Raaliyadaydu waa taas.


6. Raaliyadaydu aniga waa mida iyadu gacanteeda iigu soo xusha gabadhii aan la guursan lahaa. Taas weeye Raaliyadaydu.


7. Aniga raaliyadaydu waa inay ahaata mida markasta ka fikirta sidii ay ii raali galin lahayd aniga bas, waa inay ahaataa mid aad ii kool koolisa, markastoon guriga soo galo waa inay ii diyaarisaa musqushaan ku qubaysan lahaa waa inay diyaar sii ahaataa, cunto midii ugu macaanayd waa inay iisii diyaarisaa, ubadka buuqooda waa inay iga ilaalisaa, guriga iyo nafteedana waa inay sii giijisaa. Raaliyadaydu waa taas.


8. Raaliyadaydu aniga waa inay noqotaa mid dadka kala hadasha bas inta aan anigu u ogolahay bas, waalidkeed hadaan necbahay xataa waa inayna la xidhiidhin maadaama oo aan anigu qawaam u ahay. Raaliyadaydu waa taas.


9. Raaliyadaydu aniga waa mida lacagta aniga iga sugta, maalkeeda iyo nafteedaba waa mida ii hibaysa. Hadii ay lacag leedahayna waa inay iga idin qaadato waxay ku samaynayso lacagteeda. Raaliyadaydu waa taas.


Hadaladaas aan soo sheegay oo dhan iyo kuwo kasii badan oo aan soo koobi karin, waa hadalo ay ku riyoodaan in badan oo kamida nimanka guurdoonka ah. Hadaba Raaliyooy maxaad tahay, ma sida kor ku xusan mise si kale oo aan la aqoon, akhristahaan jawaabta u daayey.


FIIRO GAAR AH

Hadaad hayso fikrad cusub oo aad nagu soo biirin karto ama talo ama tusaale , Nambarkan nagala igala soo xidhiidh | +12139211250 | Waa Whatsapp

Admin
Add Comment
Jacayl iyo Nolol, Kalsoonida Lamaanaha, Qurux
Friday, October 9, 2015
  • Tweet
  • Share
  • Share
  • Share
  • Share

About Nuradiiny Tahir

Asc ku soo dhawaada Qaybta lamaanaha ee Qalbi Somali. Waxaan rajaynayaa in aad ka faaiidaysatay mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontid.

Related Posts

Nuradiin Qalbi - Qoraa Dhalinyaro ah

Nuradiin Qalbi - Qoraa Dhalinyaro ah

Total Tayangan Laman

  • …

  • …

Weekly Posts

  • U dhoolacadee ninkaaga
    U dhoolacadee ninkaaga
  • Laba kasta oo is qaba ku haboon
    Laba kasta oo is qaba ku haboon
  • Caano kaalay ila wadaag
    Caano kaalay ila wadaag
  • Erayo Jacayl ah | Qaybtii 2aad
    Erayo Jacayl ah | Qaybtii 2aad
    Waxaa inoo dhaxeeyo badweyn, buuro, iyo bari aad u dheer, anigu maahi dabeyl lakin hal sikin isii waxaan kuusoo dirayaa jaceylkeyga, oo a...
  • Erayo Jacayl ah | Qaybtii 1aad
    Erayo Jacayl ah | Qaybtii 1aad
    Subixii ma ubaahni inaan saacadeyda ku xirto alarm si aan u kaco, maxaa yeelay waxaad ku dhex nooshahay wadnaheyga gudihiisa waaga markuu b...
  • Naxariis | Himilo | Duco iyo Jacayl
    Naxariis | Himilo | Duco iyo Jacayl
    Jaceylka waxaa uu la micno yahey geed la beerey oo u baahan xanaaneyn iyo ilaalin joogta sida waraabinta iyo kool koolinta iyo wax yaabo b...
  • Caashaq baa hirgalay
    Caashaq baa hirgalay
    Labada qof oo isjeclaaday hadana guur iyo hooy yagleelay jacaylkoodana ka midho dhaliyay markaas caashaq baa hirgalay
  • Balan guur baa u weyn
    Balan guur baa u weyn
  • Daqiiqad kasta oo nolosheena ka mid ah
    Daqiiqad kasta oo nolosheena ka mid ah
  • Weynoow hana kala wadin | Hees Qoraal ah | Hibo Vs Bacalwaan
    Weynoow hana kala wadin | Hees Qoraal ah | Hibo Vs Bacalwaan
    Hibo Nuura; Wadnaha-iyo waxyaheeyga, kii waraabinaayey dhiigoow Waan-waanta sharaftayda, Midka iigu wacnaadee Waajibka iigu yeesho...

Label

  • Daacadnimo (14)
  • Diin (10)
  • Farxad (14)
  • Ixtiraam (25)
  • Jacayl (51)
  • Jacayl iyo Guul (7)
  • Jacayl iyo Murugo (13)
  • Jacayl iyo Nolol (14)
  • Jacayl iyo Wakhti (14)
  • Jacaylka iyo Farxad (10)
  • Kalsoonida Caqiiqada (10)
  • Kalsoonida Lamaanaha (26)
  • Kalsoonida Nafta (10)
  • Kalsoonida Shaqada (7)
  • Kalsoonida Wadanka (12)
  • Maal (2)
  • Nasab (8)
  • Naxariis (14)
  • Nolol (13)
  • Qurux (26)
  • Xulasho (12)
www.lamaanaha.blogspot.com. Powered by Blogger.
Copyright © 2015 Couples - Lamaanaha All Right Reserved
Qalbi Somali