Couples - Lamaanaha

Halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa Jacaylka lamaanaha iyo Qoyska

Menu
  • Home
  • Nala soo xidhiidh
  • Jacayl
    • Jacayl iyo Farxad
    • Jacayl iyo Nolol
    • Jacayl iyo Guul
    • Jacayl iyo Wakhti
    • Jacayl iyo Murugo
  • Kalsooni
    • Kalsoonida Nafta
    • Kalsoonida caqiidada
    • Kalsoonida Wadanka
    • Kalsoonida Shaqada
    • Kalsoonida Lamaanaha
  • Guur
    • Qurux
    • Maal
    • Diin
    • Xulasho
    • Nasab
  • Isaga
  • Iyada
  • Nasiibka tijaabi
Ixtiraam Jacayl Jacaylka iyo Farxad Kalsoonida Lamaanaha Kalsooni | Is aaminaad | Dulqaad | Ixtiraam | | Qanacsanaan

Kalsooni | Is aaminaad | Dulqaad | Ixtiraam | | Qanacsanaan

Imisa ayaa jirtoo iyagoo is jecel hadana isku fahmi waaya Xariirkooda taana waxa usabab ah in lamaanuhu aysan waxba ka garaneen shuruudaha la iskaga baahanyahay iyo sida uu Jaceylkoodu ku kobci karo.

Ka gadaal markii aan aragnay in Lamaanuhu isku dhacyadoodu aad usii badanayaan ayaan jecleestay in aan bulshada uso gudbiyo qodobo aan isleeyahay waxay xoojin karaan wada hadalkaas oo waxey noqon karaan kuwa Xididkoodu adkaado , Qodobadaas waxa kamid ah:-

1, Kalsooni:- Sheyga koowaad waa Kalsooni hadii labada lamaane aysan heysanin wax kalsooni ah ma socon karo Xariirkaas mana ka mira dhali karaan wax walbo ooy qabtaan.

2. Is-Aaminaad :- Waa Muhiim in labada Lamaane noqdaan kuwa is aaminsan had iyo jeerna eegin tashuushka iyo hadalada kale si Xariirkoodu unoqdo Mid xidideesta.

3.Ballan Oofin:- Ballanta oo had iyo jeer laga soo baxaa labada dhinacba waxa ay horseedeysaa in lamaanuhu noqdaan kuwa kobciya xariirkooda aayatiinkoodana ka shaqeeya.

4.Dulqaad :- Dulqaadku waa sheey qaali ah in lamaanuhu isku dulqaataan midba midka kale unasteexeeyo dhigiisa waqtiga dhibku yimaado.

5.Ixtiraam :- Ixtiraamku waa sheey gob ah labada qofi kolkeey is ixtiraamaan ayeey naftooda ixtiraamaan waana muhiim in la iska danbeeyaa oo wax walbo la isku xurmeeyo .

6.Kulan Joogta ah:- Waa Muhiim in Labada lamaane noqdaan kuwa mar walbo kulma Ugu Yaraan 24saacba waa iney iska war qabaan ama ay kulmaan.

7.Midnaan :- Muhiim waaye in labada lamaane ahaadaan kuwa mideysan go’aankooduna mid ahaado waqtiga cadawgu yimaad iyo isku diraalahuba.

8.Dhowrsanaan :- In jaceylkooda aysan ku badalin Waxyaabaha Naftu Jecleysato sida ( Hanti, Qurux, Iyo Qabiil IWM)

9.Xiiso Joogta ah :- Xiiso Joogta ah waxa lagu keeni karaa in waqtiyo kooban lakala maqnaado inta labada ruux iska tabayaan oo kale.

10. Qanacsanaan :- In Labada lamaane noqdaan kuwa isku qanacsan dhan walbaba hadii mid kamid ahi kan kale balwad ku nacayo Xariirkaas Nuurkiisu ma Badnaan Doono.

11.Xasuusnaan :- In Labada Qofi is xasuusiyaan Jaceylka iyo Xiisaha ay isku qabaan waliba waqtiyada Dareenka badan si ukobco Dareenka jaceylka.

12.Sirta Sheegasho :- Labada Lamaane oo sirta isku qarsataa heer aanan lagaari Karin ayeey gaaraan had iyo jeer ka dheeraaw Lugooyada iyo waxyaabaha udaran Dhigaaga.

Tan Ugu Danbeesa oo ah in Labada lamaane noqdaan kuwa Alle u Hogaansama iska ilaalsha wax walbo oo Alle Xaaraamti nimeeyey , waana Shey Muhiim u ah labada lamaane , Tusaale Hadii labada lamaane ee Dunida isku jecel Mar qura iskugu tagaan Si uusan Alle raali ka ahyn Mar walbo waxa ka dhalan doono Isku dhac iyo kala Fogaansho aanan ebid xalismi doonin.

Halka Hoose Waa Meesha aad Fikirkaaga kuso Daabici lahyd.

Abdulfatah Sablale
Cape Town, South Africa
sablale@hotmail.com

Admin
Add Comment
Ixtiraam, Jacayl, Jacaylka iyo Farxad, Kalsoonida Lamaanaha
Monday, October 12, 2015
  • Tweet
  • Share
  • Share
  • Share
  • Share

About Nuradiiny Tahir

Asc ku soo dhawaada Qaybta lamaanaha ee Qalbi Somali. Waxaan rajaynayaa in aad ka faaiidaysatay mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontid.

Related Posts

Nuradiin Qalbi - Qoraa Dhalinyaro ah

Nuradiin Qalbi - Qoraa Dhalinyaro ah

Total Tayangan Laman

  • …

  • …

Weekly Posts

  • Fariin - Abwaan cabdiqaadi xirsi yamyam
    Fariin - Abwaan cabdiqaadi xirsi yamyam
  • Jacayl hor leh oo ka sii baaxad weyn kii hore
    Jacayl hor leh oo ka sii baaxad weyn kii hore
  • Ubaxu waa qayb ka mid ah hadalkaaga aad dareensiin wayday
    Ubaxu waa qayb ka mid ah hadalkaaga aad dareensiin wayday
  • Jacaylku maalaha bilow ama dhammaad
    Jacaylku maalaha bilow ama dhammaad
    Jacaylku ma laha bilow ama dhamaad midna ee waa badweynta oo kale
  • U dhoolacadee ninkaaga
    U dhoolacadee ninkaaga
  • Kalgacal iyo farxad
    Kalgacal iyo farxad
  • Erayo Jacayl ah | Qaybtii 4aad
    Erayo Jacayl ah | Qaybtii 4aad
    Ma ogtahay macaan halkii mar ee aad shumiso dhabankeyga in qalbigeyga ka masaxmaan dhamaan wixii xumaan ah, halkaasina aan kusii qaad dar...
  • Erayo Jacayl ah | Qaybtii 3aad
    Erayo Jacayl ah | Qaybtii 3aad
    Markuu qof si xad dhaaf ah kuu jeceyl yahay waxaad ka qaadaa ad adeyg, balse markaad adigu si xad dhaaf ah qof u jeceshahay waxaad ka qaad...
  • Qalbi xagee buu jiraa ❤
    Qalbi xagee buu jiraa ❤
  • ❤ Waa maxay kalgacalku ❤
    ❤ Waa maxay kalgacalku ❤

Label

  • Daacadnimo (14)
  • Diin (10)
  • Farxad (14)
  • Ixtiraam (25)
  • Jacayl (51)
  • Jacayl iyo Guul (7)
  • Jacayl iyo Murugo (13)
  • Jacayl iyo Nolol (14)
  • Jacayl iyo Wakhti (14)
  • Jacaylka iyo Farxad (10)
  • Kalsoonida Caqiiqada (10)
  • Kalsoonida Lamaanaha (26)
  • Kalsoonida Nafta (10)
  • Kalsoonida Shaqada (7)
  • Kalsoonida Wadanka (12)
  • Maal (2)
  • Nasab (8)
  • Naxariis (14)
  • Nolol (13)
  • Qurux (26)
  • Xulasho (12)
www.lamaanaha.blogspot.com. Powered by Blogger.
Copyright © 2015 Couples - Lamaanaha All Right Reserved
Qalbi Somali