Waxaan jeclahay midabada kala ah
Cagaarka, Jaalaha ama huruudiga , Casaanka , Cadaanka, liimiga .
Waxaan ahay mufakar waxaanse jeclahay in hadalkaygu yaraado hawsha aan ka fekeraayana aan badiyo wax qabadkeeda. Wax qabadkayga wuxuu u badan yahay internetka oo aan wax ku qoro gaar ahaan waxaan khibrad igu filanahay u leeyahay sida fikrad cusub loo soo bandhigo isla markaana si qurux badan loogu faafiyo internetka.
Hadafkayga noloshayda waa inaan guul ka gaadho riyooyinkayga sidoo kale waa inaan dunida meelo badan soo arko si aan u helo waayo aragnimo aad u balaadhan, in igu filan
Waan jeclahay inaan koox ama shaqsi saaxiib nahay suuqa ku kulano lkn inaan habeenkii ku raago cawayska dhalinyarta ma jecli , balse laydhsiga xaafada ayaan jeclahay.
Waxaan jeclahay horumarka dalkayga nabada iyo wada noolaanshaha bulshadayda iyadoo laga fogaanaayo qabyaalada iyo cunsuriyada sidaasina waa sida kaliya ee aan ku horumari karno.
Waxaan jeclahay inaan maamuuso oo buunbuuniyo qofka bulshada wanaaga u sameeya sida Dhakhtarka wadankayga ee dhisay cisbitaal sida injineerka wadooyinka iyo horumarka dalka ka qayb qaadaanaya iyo askariga sugaaya nabadgelyada iyo deganaanshaha wadankayga iyo culimada shacbiga wacyi gelinaysa ee khayrka u sheegaysa.
Waxaan ahay blogger
Waxaan diyaariyay website yo iyo ciwaano kala duwan oo aan rabo inay bulshadu ka faaiidaysato waxaanan diyarinaayay mudo 3 sano ah | Waligayna intaan noolahay bulshadayda waxaan rabaa inaan la wadaago nuxurka wanaagsan.
Ciwaanada waa kuwan ee ka faaiidayso
1- http://qalbisomali.blogspot.com
2- http://hamurugoon.blogspot.com
3- http://lamaanaha.blogspot.com
4- https://soundcloud.com/qalbisomali
5- https://www.pinterest.com/QalbiSomali/
Qofkasta oo taageersan fikradayda #QalbiSomali waan soo dhawaynaaya
Qore
Nuradiin daahir xasan
Www.facebook.com/Nuradiinitahir