Couples - Lamaanaha

Halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa Jacaylka lamaanaha iyo Qoyska

Menu
  • Home
  • Nala soo xidhiidh
  • Jacayl
    • Jacayl iyo Farxad
    • Jacayl iyo Nolol
    • Jacayl iyo Guul
    • Jacayl iyo Wakhti
    • Jacayl iyo Murugo
  • Kalsooni
    • Kalsoonida Nafta
    • Kalsoonida caqiidada
    • Kalsoonida Wadanka
    • Kalsoonida Shaqada
    • Kalsoonida Lamaanaha
  • Guur
    • Qurux
    • Maal
    • Diin
    • Xulasho
    • Nasab
  • Isaga
  • Iyada
  • Nasiibka tijaabi
Jacayl Qurux Mudantii Haweenka | Hees Qoraal ah | M Mooge

Mudantii Haweenka | Hees Qoraal ah | M Mooge

Mudantii haweenkaay
marwadii la sheegee
dadku wada majiirtaay
dumar lama mid dhigayee
muxubada kal gacalkaa
laanyahay magooshee
midhihiyo caleentiyo
manka lagu talaalee
ubax lagu mariimee
qurux lagu manaystaay
mudo aan yarayn baan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenadan
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayee
muxibada kalgacalka
hadba soo mir kacayaa
Midhaha hadalku leeyey
ereygiisa ma huraan
waana loo mashxaradaa
midaa taaladeedaa
igu mayracaysaa
marti waa la sooraa
magan waa la bixiyaa
haw udhuran masuuge
maahmaahda sheegtayoo
dhibtan ha igu madinine
mudo aan yarayn baan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenadan
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayo
muxibada jacaylka
hadba soo mir kacayaa
Masalooyin dhawroo
mahadhooyideedaan
kuu marinayaaye
maqal waanadaydanoo
miisaan warkeygoo
caynkii xalaytoon
waaba midhiq ii odhan
madaxaanba duubtee
naftu way ku maagtayoo
kaa maar mi waydayee
mudo aan yaraynbaan
kugu soo maqnaayoo
ma ogtahay habeenada
sida mayayga roobkoo
hadba maayad keenaa
ii muuqa taayo
muxibada jacaylkaa
hees aan caadi ahayn
Admin
Add Comment
Jacayl, Qurux
Tuesday, October 13, 2015
  • Tweet
  • Share
  • Share
  • Share
  • Share

About Nuradiiny Tahir

Asc ku soo dhawaada Qaybta lamaanaha ee Qalbi Somali. Waxaan rajaynayaa in aad ka faaiidaysatay mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontid.

Related Posts

Nuradiin Qalbi - Qoraa Dhalinyaro ah

Nuradiin Qalbi - Qoraa Dhalinyaro ah

Total Tayangan Laman

  • …

  • …

Weekly Posts

  • Fariin - Abwaan cabdiqaadi xirsi yamyam
    Fariin - Abwaan cabdiqaadi xirsi yamyam
  • Jacayl hor leh oo ka sii baaxad weyn kii hore
    Jacayl hor leh oo ka sii baaxad weyn kii hore
  • Ubaxu waa qayb ka mid ah hadalkaaga aad dareensiin wayday
    Ubaxu waa qayb ka mid ah hadalkaaga aad dareensiin wayday
  • Jacaylku maalaha bilow ama dhammaad
    Jacaylku maalaha bilow ama dhammaad
    Jacaylku ma laha bilow ama dhamaad midna ee waa badweynta oo kale
  • U dhoolacadee ninkaaga
    U dhoolacadee ninkaaga
  • Kalgacal iyo farxad
    Kalgacal iyo farxad
  • Erayo Jacayl ah | Qaybtii 4aad
    Erayo Jacayl ah | Qaybtii 4aad
    Ma ogtahay macaan halkii mar ee aad shumiso dhabankeyga in qalbigeyga ka masaxmaan dhamaan wixii xumaan ah, halkaasina aan kusii qaad dar...
  • Erayo Jacayl ah | Qaybtii 3aad
    Erayo Jacayl ah | Qaybtii 3aad
    Markuu qof si xad dhaaf ah kuu jeceyl yahay waxaad ka qaadaa ad adeyg, balse markaad adigu si xad dhaaf ah qof u jeceshahay waxaad ka qaad...
  • Qalbi xagee buu jiraa ❤
    Qalbi xagee buu jiraa ❤
  • ❤ Waa maxay kalgacalku ❤
    ❤ Waa maxay kalgacalku ❤

Label

  • Daacadnimo (14)
  • Diin (10)
  • Farxad (14)
  • Ixtiraam (25)
  • Jacayl (51)
  • Jacayl iyo Guul (7)
  • Jacayl iyo Murugo (13)
  • Jacayl iyo Nolol (14)
  • Jacayl iyo Wakhti (14)
  • Jacaylka iyo Farxad (10)
  • Kalsoonida Caqiiqada (10)
  • Kalsoonida Lamaanaha (26)
  • Kalsoonida Nafta (10)
  • Kalsoonida Shaqada (7)
  • Kalsoonida Wadanka (12)
  • Maal (2)
  • Nasab (8)
  • Naxariis (14)
  • Nolol (13)
  • Qurux (26)
  • Xulasho (12)
www.lamaanaha.blogspot.com. Powered by Blogger.
Copyright © 2015 Couples - Lamaanaha All Right Reserved
Qalbi Somali